Mahad Salaad oo Qaraxii ka dhacay Muqdisho u yeelay Weji kale

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waji kale u yeelay qaraxii maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday laba Xildhinaan oo hore, islamarkaana ka mid ah odayaasha beesha Mudullood.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa muujiyey in qaraxan aysan ka dambeysan kooxda Al-Shabaab, balse uu socdo beegsi ka dhan ah odayaasha beel gaar ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay inuu  maalmo ka hor uu ka digay miinooyinka soo booda oo Muqdisho lasoo dhoobay, taasoo la doonayo in lagu sameeyo  shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo.

“Duqowda Mudulood ee maanta miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay MIINOOYINKA SOO BOODA in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!,” Ayuu yidhi Mahad Salaad.

Qaraxa maanta oo ka dhacay agagaarka Igoyska Beyxaani jidka u dhaxeeya Shibis iyo Kaaraan, islamarkaana ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday Laba Xildhibaan oo hore oo lagu kala magacaabo Muxiyadiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraalle Caddaan.

Waxaa qaraxa ku geeriyooday saddex askari oo ilaalo u ahaa xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax oo hadda ah Nabaddoon.

Waxaa dhaawac culus kasoo gaaray Xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddana oo la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halka Nabaddoon Muxiyaddiin Xasan Afrax uu dhaawcihiisu ahaa mid aad u fudud oo lugta kasoo gaaray.