Imaam Maxamed Yuusuf Oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, sida la xaqiijiyay.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay kolonyo uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf, xili uu marayay agagaarka Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis ee Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxa uu qabsaday mid kamid ah gaadiidka uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf, isla markaana waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah u baaqay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la xaqiijiyay inuu qaraxaas ka badbaaday Imaam Maxamed.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka xireen, iyagoona dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay halkaas maraan, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda.