Puntland Oo Joojisay Lacagta Shilin Soomaaliga Ee U Kala Gooshto Goboladeeda

0

Maamulka Puntland ayaaa joojiyay Lacagaha Shilinka Soomaaliga ee u kala gooshta Gobolada Maamulkaasi, waxaana  dhawanahaan degaanada Puntland kasoo yeeraysay qaylo dhaan ba’an oo dadka shacabka ahi ay kaga cabanayeen sicir-barar.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa joojisay lacagta Shilin Soomaaliga, waxaana  mas’uuliyiinta baraha kastamyada iyo taliska ilaalada canshuuraha, in aysan gobollada u kala gudbi karin gaadiid wada lacagta Shilin Soomaaliga.

Wareegto uu soo saaray Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntand Cabdi Warsame Ibraahim ayaa intaa ku daray loo baahan yahay in Mas’uuliyiintu ay xil iska saaraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen in gobollada u kala gudbaan gaadiid wada lacagta Shilin Soomaaliga.