Madaxweyne Deni Iyo Ergayga Qaramada Midoobey Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.

ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa dhawaanahaan waxaa uu waday kulamo gaar gaar ah oo uu layeeshay Madaxda maamul Goboleedyada, waxaana inta badan ay ka wada hadlayeen arrimaha doorashooyinka.

Horay maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay Guddiga doorashada ee la doonayo in ay ka shaqeeyaan doorashada dalka ka dhici doonta, waxaana sidoo kale taagan khilaaf xooggan oo ka jira doorshada dalka ka dhacaysa.