Dhaq-Dhaqaaqa LeadNow Oo Wada-Hadal Ugu Baaqay Madaxda DFS Iyo M/Goboleedyada

0

Ururka dhaqdhaqaaqa LeadNow ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 ee weli khilaafka xoogan uu ka taagan yahay.

War-saxaafadeed kasoo baxay dhaq-dhaqaaqa LeadNow ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qabsoomida doorashada, iyagoo ka digay sii socoshada arrintaas inay xaalad kale oo khatar ah gelin karto dalka Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqa LeadNow ayaa Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta ugu baaqay inay Shir deg deg ah isugu yimaadan, isla markaana go’aan mideysan iyo is-afgarad ka gaaran qaabka doorashada dalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey ugu baaqeen inuu qaato doorkiisa Madaxweynenimo iyo Odeynimo, uuna ku dhawaaqo gogal wada-hadal.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dhaq-dhaqaaqa LeadNow.