Wasiir Arrimo Dibadeed Oo U Geeriyooday Cudurka CORONAVIRUS

0

Afhayeenka Madaxtooyda dalka  Zimbabwe ayaa sheegay in Wasiirkii Arrimaha dibadda ee dalkaas Sebusiso Moyo u dhintay Cudurka halista ah ee CORONAVIRUS.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Moyo oo 61 jir ah uu ku dhintay isbitaal maxalli ah subaxnimadii hore ee maanta.

Moyo ayaa wuxuu horay u ahaan jiray Jeneraal ka tirsan ciidamada wuxuuna caan ka noqday dalkaas markii uu ku dhawaaqay afgembigii militariga ee horseeday in xukunka looga  tuuro Madaxweynihii hore Robert Mugabe bishii November 2017-kii.

Dalka Zimbabwe waxaa ku soo badanaaya cudurka Karoona, waxaana laga diiwaan geliyay kiisas gaaraya 28,675.