Diyaarad Sida Gargaar Oo Ka Degtay Degmada Go’doosan Ee Xudur

0

Diyaarad siday shixnad Gargaar ah ayaa barqadii Maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ay Go’doomiyeen Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Xudur ayaa sheegay in Gargaarkan uu yahay mid loogu tala-galay shacabka degmada oo ay heysato xaalad adeg oo bani’aadannimo, looguna Jawaabayo baahiyaha jira.

Gargaarka oo u badan raashin ayaa laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Bakool iyo ka degmada Xudur, iyadoona si deg deg ah loo gaarsiinayo shacabka dhibaatada heysato.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiaciis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Xudur ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka jawaabi doono cabashada ay u soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka oo ku aadan baahiyaha ka jira degmadaas.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dowladd Federaalka, Beesha Caalamka iyo Hay’addaha Caalamiga ugu baaqay inay gargaar lasoo gaaran shacabka degmada Xudur oo xaalad adeg oo bani’aadannimo heysato.

Al-shabaab ayaa 8 sanno go’doon geliyey degmada Xudur ee Gobolka Bakool, isla markaana gubay gaadiid nooca xamuulka qaado ah oo shixdano Ganacsi u siday Ganacsato ku sugan Xudur, waxaana arrintaan ay sababtay in uu yaraado raashinka.