Pompeo: Iran waa saldhigga ugu weyn ee Al-Qaacidda

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa dowladda Iiraan ku eedeeyay in kooxda jihaad doonka ah ee al-Qaacida ay u oggolaatay in “saldhig cusub” ay ka sameysato halkaas.

“Si ka duwan Afghanistan, markii al-Qaacida ay isku qarineysay buuraha, al-Qaacida maanta waxay gabbaad ka heshaa maamulka Iiraan oo difaacaya,” ayuu yiri.

Mr Pompeo wax caddeymo ah uma uusan keenin eedeymahaas.

Wasiika Arrimaha Dibadda Mohammad Javad Zarif ayaa hadalka Pompeo ku tilmaamay “been dhalineysa dagaal”.

Bishii November ee la soo dhaafay, Iiraan ayaa beenisay war ku saabsanaa in taliyihii labaad ee al-Qaacida Abdullah Ahmed Abdullah, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Muhammad al-Masri, ay ciidamo Israa’iil ah ku toogteen Tehran, kaddib codsi uga yimid Mareykanka.