Amar culus oo lagu soo rogay dhammaan dadka Mareykanka

0

Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, in hadda kadib qof walba oo raba inuu yimaado Mareykanka la weydiin doono, warqad caddeyneysa in laga soo baaray lagana waayay xanuunka COVID-19.

Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga Cudurrada ee loo so gaabiyo CDC ayaa sheegtay, in amarkaan oo muddo laba todobaad ah ku dhaqangali doono uu qaban doono, muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ee u soo safraya America.

Dalka Mareykanka, xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu ku dhacay in ka badan 22 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 375 kun oo qof.

Amarka cusub ayaa imanaya xilli tiro maalmeedka dadka cudurka u dhimanaya ay shalay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii uu cudurka dillaacay, ayada oo ay dhinteen in ka badan 4,500 qof.