Qoor qoor oo sheegay in doorasho aan loo dhameyn aysan dalka ka dhici karin

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan dalka ka dhici karin doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Mr Qoor qoor ayaa waxaa uu iska difaacay in lagu eedeeyay in warqad jawaab ah laga waayay madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, maadaama markii horeba aan warqad loogu dhiibin qodobada salka u ah wada xaajoodka uu ku howlanaa kahor inta uusan soo bixin go’aanka lagu iclaamiyay in lagu qabanayo Doorasho hal dhinac ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sabtiga sheegtay in aan waqti dambe la iska lumin doonin, islamarkaana la gudaha galayo hanaanka doorashooyinka.