Mareykanka oo liiska argagixisada ku dartay Xuutiyiinta Yemen

0

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa in fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay u aqoonsato argagixiso.

Waxaa jiray digniino ah in haddii dowladda Mareykanka ay qaado tallaabadaas ay dhibaato u keeneyso gargaarka bani’aadanimo ee la siiyo dadka ku sugan Yemen oo ay aafeeyeen dagaalo sokeeye.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo oo haatan wakhtigiisu uu sii dhamaanayo waxaa uu sheegay in ujeedada tallaabadan ay tahay in lagu la xisaabatamo Xuutiyiinta oo uu sheegay inay geysteen weeraro ka baxsan dalka Yemen, kuwaas oo uu sheegay inay ku waxyeeleyeen dad rayid ah iyo maraakiib.

Qaar kamid ah hey’adaha gargaarka ee dalka Yemen waxay sheegeen inay ku qasaban yihiin inay joojiyaan gargaar ban’iaadanimo oo ay sheegeen inay ka wadaan goobo ay dadku macluul ugu dhimanayaan.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay inay iska caddahay in saameyn ba’an oo dhanka ban’aadanimada iyo mid siyaasadeed ba ay ka dhalan doonta go’aanka Mareykanka.

Sidookale madaxweynaha hey’adda IRC waxaa uu go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ku tilmaamay “mid siyaasadeysan”.

Hogaamiyaha Xuutiyiinta ayaa maamulka madaxweyne Trump oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 20-ka bishan Janaayo ku tilmaamay “kuwa argagixiso”.