Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jabuuti.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti uu yahay mid mar kale Urur Goboleedka IGAD ay ku bilaabeyso dadaalo iyo tallaabada xigta ee la doonayo in dib lagu soo celiyo xiriirkii go’ay Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulan la qaadan doona Madaxweye Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalin kahor soo gaaray Guddiga IGAD u xil-saartay xaaladaha ka jira xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo kulan la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan.

IGAD ayaa guddi u saartay guddi qiimeyn xaalada xuduuda, kaddib markii ay dalbatay dowladda Soomaaliya, waxaana guddigan ay dib ugu celin doonaan xog ku saabsan wixii ay ku soo arkeen goobihii ay kormeerka ku tageen ee xuduudka iyo kulamada mas’uuliyiinta labada dal la soo yeesheen.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhiftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.