Dowlad Uga Digtay Shacabkeeda Cunista Kalluunka Iyo Sababta Keentay

0

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa baarayaa sababta ka dambeysay dhimashada kalluun badan oo ay soo caarisay harada Victoria.

Wasaaradda kalluunka ayaa shacabka dalkaas uga digtay in aysan cunin kalluunka dhintay ee soo caariyay isla markaana ay duugaan.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kalluun fara badan oo ay biyaha harada dibadda usoo saareen.

Shacab badan oo kasoo jeedo dalkan ayaa ku tiirsan kalluunka.

Harada Victoria waxay kala qeybisaa waddamada Kenya, Uganda iyo Tanzania.