Diyaarad ay saarnaayeen dad rakaab ah oo la waayay waxyar kadib markii ay ka duushay Jakarta

0

Diyaarad rakaab oo ay saarnaayeen inkabadan 50 qof ayaa la waayay waxyar un kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Indonesia ee Jakarta.

Saraakiil dowladda ka tirsan waxay sheegeen in diyaaradda Sriwijaya oo nooceedu yahay Boeng 737 ay lumisay xiriirka xilli ay kusii jeeday galbeedka gobolka Kalimantan.

Bog la socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha adduunka oo la yiraahdo Flightradar24.com ayaa soo wariyay in diyaaradda ay xiriirka lumisay 10 kun oo fiit markii ay hawada joog sare sare u gashay.

Sawirada wax u muuqday burbur diyaaradeed ayaa kasoo muuqday qaar kamid ah telefishenka iyo baraha bulshada ee dalkaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka e jasiiradda Lancang island oo u dhaw halka ay diyaaradda ku luntay ayaa sheegay inay heleen walxa loo maleeyay inay yihiin baalasha diyaaradda.

Wasaaradda gaadiidka ee dalka Indoneis na waxay sheegtay in uu socdo gurmad iyo dedaalo samata bixin ah.