Ciidamo Hubeysan Oo Kala Dhex-Galay Maleeshiyo Beeleed Dagaalamay

0

Waxaa saakay degay xaaladda deegaano hoostega degmada isku-shuban ee Gobolka Bari oo shalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo halkaas wada-dega.

Ciidamo ka tirsan kuwa Darawaaiishta dowlad Goboleedka Puntland oo ku baxay dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa kala dhex-galay maleeshiyaadkii dagaalamay.

Ciidamada ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaano ku teedsan halka uu dagaalku shalay uu ka dhacay, iyagoona labada dhinac ku sameeyay xabad joojin, isla markaana fariisimo ka saameystay halkaas.

Sidoo kale Saraakiisha la socda Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan dadaalo kala duwan oo heshiis lagu kala dhex-dhigayo maleeshiyaadka, iyagoona tilmaamay inay kulan la qaadan doonaan waxgaradka labada dhinac.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, isla markaana waxaa ku geeriyooday Lix ruux, halka in ka badan 10  qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad.

Dagaalo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo ayaa horay uga dhacay deegaano hoostega degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, wallow dadaalo la sameeyay lagu guuleystay Colaado halkaas ka jiray in lagu soo afjaro.