Cabdi Xaashi Oo Kasoo Horjeeystay Go’aankii Ay Ku Dhawaaqday Xukuumadda

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa War kasoo saaray Go’aankii Xukuumadda ku dhawaaqday ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay Go’aankii ay qaadatay Xukuumadda, xili uu sheegay in weli aan xal buuxa laga gaarin arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in wixii ka horreeyay hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble ee shalay ay shacabka Soomaaliyeed rajo ka qabeen in xal laga gaari doono khilaafka ka taagan arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, sidoo kalena la fulin doono natiijooyinkii kasoo baxay Shirkii ka dhacay Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Cabdi Xaashi ayaa ayaan darro ku tilmaamay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha diideen in laga wada-hadalo khilaafka taagan, isla markaana ay qaateen Go’aan ah in maamul Goboleedyada ka qabtaan doorasho aan heshiis lagu aheyn.

“Waxaanu halkan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.