DAAWO:-Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Go’aankii Dowladda Dhexe Ee Doorashooyinka

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed  Islaam Axmed Madoobe  oo Maanta dib ugu soo labtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulkaasi ayaa hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka, iyo xiliga Xasaasiga ah ee uu dalku marayo.

Axmed Madoobe oo Qodobbo dhowr ah ka hadlay ayaa si gaar ah uga hadlay tallaabadii Dowladda Soomaaliya ku sheegtay in Doorasho ay dalka Ka qabanyso, Iyadoo ay ka maqan yihiin Maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi oo cabashooyin waa weyn qaba, kaan biya diidsan sida dowladda dhexe ay u wajahayso doorashooyinka dalka.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu ay khilaaf iyo ballan ka bax ku sameysay, waxaana uu sheegay in qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dwoaldda ugu sarreysa qaarkood ay Garoowe ku wada hadleen, ayna ka sugayeen jawaab ku aaddan waxyaabihii ay sida  gaarka ah kaga wada hadleen, waxaa intaas uu ku daray in dhamaan waxyaabihii ay isku soo afgarteen waxkama jiraan laga soo qaaday, iaydoo uu sheegay in ay Shalay ka warheleen go’aankii dowladdu soo saartay eek u aaddana in dalku doorasho uu galayo Jubbaland iyo Puntland la’aantood, waxaan uu sheegay in taas iyo wax u dhaw aysan sugayn.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay howlaha dowladdu ay ka waddo Gobolka Gedo, waxaana uu tilmamy in dowladdu ay dhibaato dhex-dhigtay dadka wada daga Gobolkaasi, isagoo intaa ku daray in ay jiraan dhibaatooyin bulsho o oak jira Gobolkaasi.

Axmed Madoobe waxaa uu carrabka ku dhuftay in uu diyaar u yahay wada hadal iyo go’aanno dhab ah oo laga gaaro khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya isaga iyo Dowladda dhexe, waxaana uu ku baaqay in dowladdu wada hadal auy diyaar u noqoto.