Donald Trump Oo Sheegay Inuu Ku Hawlan Yahay Xil Wareejin Sharciga Waafaqsan

0

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo saaray muuqaal cusub oo uu ku muujinayo sida uu sheegay caradiisa ku aaddan qalalaasihii Arbacadii oo ay dad careysan weerar ku qaadeen dhismaha Capitol ee magaalada Washington.

Isagoo u hadlaya si ka duwan maalmihii hore, ayaa wuxuu sheegay in dibadbaxayaasha ay meel uga dhaceen dimuqraadiyadda Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale muuqaalka ku sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga ku saleysan.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in maamulka cusub la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo, wuxuuna ku baaqay isu uur-fayoobi iyo dib u heeshiisiin.