Madaxweyne Farmaajo Oo Aqbalay Qorshe Xalin Ah Uu U Gudbiyay Qoorqoor

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa mar xalay kulan ku qaatay Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa kulankooda oo socday saacado badan qaatay uga wada hadlay sida loo xalin karo caqabadaha hortaagan doorashada dalka ka dhaceysa iyo arrinta Gobolka Gedo, xili uu muran xoogan taagan yahay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday ergo uu u keenay Madaxweyne Qoorqoor ee ku saabsan xalinta khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Kuraasta Xildhibaannada ee Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in is faham laga gaaray in saddex kursi in lakala bedesho, arrinta Gedo la xalliyo ka hor doorashada oo dib u heshiisiin laga furo labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor laga sugayo inuu jawaab inuu ka keeno Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, taasi oo ku aadan in wada-hadal laga yeelo khilaafka doorashada dalka.