Madaxweynaha Jubbaland Oo War Kasoo Saaray Xildhibaan Qarax Lagu Dilay

0

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose, kadib markii xalay qarax miino loogu dhejiyay gaarigiisa.

Gaariga uu la socday Xildhibaanka geeriyooday ayaa qarxiyay, xili uu marayay xaafadda farjano ee Kismaayo, isla markaana jugtiisa dadka ay maqleen, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay Xildhibaanka oo ka tirsanaa Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Khaliif Haashim Nuur, waxaana Mas’uuliyada qaraxii lagu dilay  sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib Qoraal lagu faafiyay barahooda Internet-ka .

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo qarax loogu xiray gaarigiisa.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay