Goodax Barre oo ka hadlay amniga iyo arrimaha doorashooyinka

0

Wasiirkii hore Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Xil. Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ku soo food leh iyo aragtidiisa kaga aaddan arrintaas ayaa wuxuu talo soo jeedin u jeediyay guddoonka labada Aqal iyo xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxgaradka iyo madaxda ururada bulshada rayidka si ay xalka dalka ay masuuliyad uga qaataan.

Wuxuu sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre kaga hadlay muuqaalkan arrimaha ka taagan Gobolka Hiiraan oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay caburin, cunaqabateyn iyo cagajugleyn ay ku hayso shacabka Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Goodax wuxuu sidoo kale dhaliilay sida Dowladda ay u wajahayso arrimaha ka taagan Gobolka Banaadir iyo sidoo kale dagaalka Gobolka Gedo isagoo farriin u diray ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee deegaanaadaas ku sugan si ay uga dhowrsadaan arrintaasi.

Muran xoog leh ayaa weli ka taagan doorashada Soomaaliya, lama oga halka ay ku dambeyn doonto