Faahfaahin ka soo baxaysa gaari ku qarxay magaalada Nashville ee dalka Maraykanka

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigey meel gaadiidka la dhigto oo saaka waaberigii ku qarxay magaalada Nashville ee dalka Maraykanka.

Qaraxan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay saddex ruux waxayna boolisku sheegeen inuu ahaa mid ula kac ah.

Afhayeenka booliska Nashville Don Aaron ayaa sheegay in booliska loogu yeeray toogasho la sheegay inay aagga ka dhaceysay, qiyaastii 6-dii aroornimo, hase yeeshee ma jirin wax astaamo ah oo muujinayey toogasho dhacday.

Hase yeeshee saraakiil dhinaca sirdoonka ah ayaa laga soo xigtey in qorshuhu ahaa in waxyeelo la gaarsiiyo ciidamada Booliska.

Daqiiqado kahor qaraxa ciidamada Booliska ayaa ka saaray dhismayaashii u dhowaa halka uu yiil gaariga qarxay iyadoo dadka la geeyay goob ammaan ah.

Booliska ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin gaariga gudihiisa ay dad ku jireen xilligii uu qarxayay.

Qaraxa oo laga dareemay deegaano ka fog halka uu ka dhacay ayaa waxaa burbur ka soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid yiil halka uu ka dhacay qaraxa.

Dhismayaasha badankood ayaa xirnaa maadaama xilli hore oo weliba dadka ay ku jireen xafladda ciidda masiixiga.