Midowga Musharixiinta Oo War Kasoo Saaray Shir Ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Galmudug Iyo Puntland

0

Golaha Midowga musharixiinta ayaa war kasoo saaray shirkii ay Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirkaasi ay labada dowlad Goboleed kaga arrinsadeen arrimo dhowr ah.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan wada hadalada iyo shirarka ay kaga arrinsanayaan aayahooda, waxaana sidoo kale ku ammaaneen doorka nabadeed ee ay wadaan labada maamul Goboleed ee Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynayaasha in ay qayb ka qaatan xal u helidda khilaafka ka taagan doorashada dalka ka dhici doonta, iaydoo hadda la lagu murasan yahay guddigii ka shaqeyn lahaa doorashooyinka e ay Magacawday dowladda Federaalka Soomaaliya.