Wasiirka Gaashaandhigga Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Booqday Ciidamo Ku Dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

0

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen Ciidamadii ku soo dhaawacmay Weerarkii  Galkacyo , kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ee muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii Xaaladda Ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbitaalka waxa uu ka xogwareystay agaasimaha isbtilaalka Ordogan waxaana uu masuuliyiintii booqday u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wanaagsan loo fidiyay , iminkana Xaaladoodu tahay mid wanaagsan ,

Intaas ka dib wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada isagoo u rajeeyay caafimaad Taam ah

“Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyihiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina , si dhaw ayaan ula socon doonnaa Xaaladiina Caafimaad , qarankiina marna idinma dayici doono “Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya .

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa tilmaamay in Dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin , ay DFS baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.