Dab Khasaaro Gaystay Oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

0

Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa weyn ee dagmada wadajir, waxaa jira Khasaaro baahsan oo xalay ka dhashay dabkaasi, waxaana la sheegay in dabkaasi uu muddo saacado ah socday, isagoo ku fiday qaybo badan oo suuqa ah.

Dabka oo aan ilaa hadda la shaacin waxa sida rasmiga ah u dhaliyay ayaa qabsaday Suuqa, waxaana ku baaba’ay hanti aad u farabadan, oo ay lahaayeen dadka ku ganacsada Suuqa.

Gaadiidka dab damiska oo goobta kasoo daahay ayaa sababtay in dabku uu gaaro goobo hor leh oo suuqa ka tirsan, iyadoo uu ku faafay meelo ka baxsan halkii markii hore uu ka billaawday dabkaasi.

Wali lama sheegin dad wax ku noqday dabkaasi, balse waxaa jira Hanti farabadan oo ku basbeeshay dabka, waxaana goordambe lagu guuleysatay in la damiyo.

Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka kaca daababka noocaan ah, waxaana  inta abdan sababa Koronta ama dab si qaldan u gaara goobaha Ganacsiyada iyo guryaha ku yaalla caasimadda.