Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka Oo Guuddoon Doortay

0

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay magacaabeen golaha midawga musharrixiinta oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen, xoghaye iyo Afhayeen.

 

Yuusuf Xasan Mursal ayaa loo doortay Gudoomiyaha gudiga badbaadada doorashada qaranka, Guddoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Abdullahi Mohamed adan, Xoghaye,  Abdifitax Mohamed dhicis  iyo Afhayeenka oo loo doortay Abdullahi abdi Mohamed

(Telephone )

 

Afhayeenka iyo guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib, ayaa caddeeyay howlaha hor-yaalla oo laga doonayo inay qabtaan.

 

Xubnaha guddiga ee guddoonka loo doortay ayaa hoggaamiya shaqooyinka guddiga inta ay ku guda jiraan shaqooyika loo igmaday ee ay ugu horreyso ka shaqeynta hannaanka lagu badbaadinayo doorashooyinka qaranka.