Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Digniin Diray

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shacabka Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan kala qeyb-galay kulan Wada-tashi Bulsho, kaasi oo ka dhacay degmadaas.

Kulanka ayaa Guddoomiye Cumar Finish waxaa uu shacabka uga dhageysanayay baahiyaha ka jira Degmada, isla Markaana Su’aalo ay ku weydiinayeen Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Maamulka Gobolka ayaa shacabka Degmada Yaaqshiid u balan-qaaday in wax laga qaban doono baahiyaha ka jira Degmada, isagoo kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Wada-shaqeynta shacabka iyo Maamulka.

Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka ay Mas’uul ka saaran tahay inay dhisaan wadada isku xirta Isgoyska Sanka ilaa iyo Ex Koontarool Balcda oo ay fadhiistaan biyo, xiliyada roobka uu da’o.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ayaa digniin u diray dadka dhista goobaha danta guud ee ku yaalla Caasimadda dalka ee Muqdisho gaar ahaan meelaha u dhow waraha ay biyaha galaan, wuxuuna sheegay in arrintaas aysan wanaagsaneyn.