AKHRISO:-Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Oo Sheegay In Guddoomiye Cabdi Xaashi Aanu Matalin

0

Xildhibaanada golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku shaaciyeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi aanu ku matalin hadalada iyo qaraalada uu inta badan ku duro Guddiyada doorashooyinka, kaasi oo muran badan dhaliyay ayna ka hor yimaadeen Mushixiinta u taagan Qabshada Xilka Madaxweynaha.

War saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin illaa 47 Xildhibaan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayay ku sheegeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo, kuna duriyo dhismaha Guddiya  doorashada.