Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Xilka La Wareegay

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Sabti ah, si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasiirkii hore, Danjire Axmed Ciise Cawad.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, danjireyeyaal iyo diblomaasiyiin.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble fursadda u siiyay inuu hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa tilmaamay rajada uu ka qabo inuu guulo waa weyn ka gaaro geedi socodkiisa uu ugu adeegayo si daacadnimo oo nafhurnimo leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.