Barlamaanka Carabta Oo Balan Qaad Hor Leh U Sameeyay Dowladda Somalia

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan Al- Cusuumi ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ka gaysteen magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa adkeeyay in weerarada Al-shabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro.

“Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Shacbigeeda dagaalka ay kula jiraan waxa loogu yeero argagixisada, waxaanan ka taageeri doonaa tallaabooyinka looga hortagayo ururada Argagixisada ah” sidaana waxaa yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday falkaasi arxan la’aanta ah, wuxuuna sidoo kale caafimaad buuxa oo dag-dag ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay