Shirka Wadatashiga Midawga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021 Oo Muqdisho Ka Furmay

0

Hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah ayaa maanta shir uu uga furmay Muqdisho kaasoo saabsan Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale dooda ay ka qabaan guddiga doorashooyinka dadban oo in badan oo ka mid ah ay kasoo horjeesteen.

Shirkan ayaa socon doona Saddex berri waxaa ka mid ah qodobada looga hadlaayo sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in shirka maanta furmay uu yahay mid lagu badbaadinayo mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd.

Daahir Geelle ayaa tilmaamay baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan.

Daahir Geelle ayaa sheegay in aanan mar dambe la aqbali doonin Guddi ay ku jiraan Nabadsugida.

Hoggaamiyeyaasha Shirkaan ka qeyb galay waxaa ka mid ah:

Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran Daahir Maxamuud Geelle

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Labadii Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed

Labadii Madaxweyne ee hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoggaamiyaha xisbiga Ileys Cabdulqaadir Cosoble.

Wasiir hore Xuseen Cabdi Xalane.