Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Magacaabay xubnaha doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi

0

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhameystiray maanta magacaabay 8-dii Xubnood ee Gudiga Degaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland), isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.

Gudoomiyaha ayaa ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in xubnahaan lagu daro guddiga doorashooyinka Qaranka.

Waxaa xoogeystay khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka dadban gaar ahaan xubnaha gobolada Waqooyi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa horay Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.