Guddi Loo Magacaabay Xalinta Colaada Dhiiga Badan Ku Daatay Ee Itoobiya

0

Madaxweynaha koonfur afrika Cyril Ramaphosa oo ah hoggaamiyaha Ururka Midowga  Afrika ayaa 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe, Madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqda ugu horeysa ee ergadan ayaa ah in dhamaan dhinacyada ishaya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta qilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya ayuu yiri Cyril Ramaphosa.

Arintan ayaa timi kadib markii Madaxweynaha Itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay Madaxweyne Cyril Ramaphosa