DAAWO:-Xasan Cali Kheyre”Waxaa muhiim ah in dalkaan ay ka Qabsoonto doorasho la isla ogolyahay”

0

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport kasoo degay Maanta Murashixiin kala duwan oo dhammaantood doonaya in ay u tar-tamaan Xilka maadxweyne ee dalka.

Murashixiinta ayaa siyaabo  kala duwan loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana ka qayb qaatay soo dhaweyntooda Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana Murashax waliba  soo dhaweynayay taageerayaashiisa.

Waxaana soo dhaweynta ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira Saraakiil Ciidan, Xildhibaanno iyo Wasiiro.

Waxaana hadda soo degay ilaa shan Murashax oo kala ah Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuurWarsame, Daahir Geelle, C/qaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane, waxaana la filayaa iin Murashxiin kale ay soo gaaraan Caasimadda.

Qaar ka mid ah Murashixiinta ayaa la hadlay taageerayaashooda halka Murashixiin kalena ay dhimman yihiin oo aysan wali hadlin.