Golaha Wakiilada Puntland Oo La Horgeeyay Miisaaniyadda Sanadka 2021

0

Wasaaradda Maaliyada Dawlad Goboleedka  Puntland ayaa maanta horgeysay Golaha wakiilada Puntland miisaaniyada Dawladda Puntland ee sanadka 2021.

Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey ayaa sanadkii dhan $341,861, 037

Taas oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawlad Goboleedka oo dhan  $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka fulinayaan Puntland.

Ku-simaha Wasiir Maaliyadda ahna Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Eng: Cumar Xassan Fiqi oo golaha ka horjeediyey faah-faahinta miisaaniyada ayaa tilmaamay inay wasaaradu qabatay shaqooyin baaxad leh, kuwo horlehna ay qorshaysan yihiin sanadka soosocda ee 2021 hadii ale idmo, wuxuuna sheegay in wax yaabaha qorahaysan ay kamid tahay hirgelinta Khasnada midaysan ee Dawladda oo laga maamuli doono dhamaan arimaha maaliyadda Puntland oo ay kamid yihiin mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ka fuliyaan Puntland.

Ugu dambayn Wasiir Fiqi ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyada hortaala si loo dhaqan geliyo bilowga sanadka cusub.