Dowladda Soomaaliya Oo Caddeysay Mowqifkeeda Ku Aaddan Dagaalka Ka Socda Itoobiya

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Qoraal rasmiga ah oo kasoo baxay waxaa taageero ay ugu muujisay dowladda federaalka Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigrayga.

Dagaalka gobolka Tigrayga ayaa billowday 4-tii November markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku eedeeyey TPLF inay weerareen saldhig ciidamada federaalka ay ku leeyihiin gobolka, eedeyntaas oo TPLF ay beeniyeen.

Qoraalka hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.”

Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dawladda Soomaaliya taageereyso midnimada Ethiopia iyo in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka gudaha ah.

Waxay intaas ku dartay, in ayada oo ah dal deris la ah dalka Ethiopia, ay diyaar u tahay inay taageeradeeda ku biiriso sidii dagaalka loo soo geba-gebeyn lahaa.