DAAWO:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Jawaab kulul Siiyey Kenya “MD. Farmaajo Waxaa lagu dooran doonaa Wareega Koobaad”

0

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Jawaab kulul u diray Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya, oo dhowaan sheegay in Soomaaliya ay kasoo saari doonaan Hogaamiye Cusub.

“Dawlad kasta oo ina soo Farageliso way ku khasaari doontaa, Waa laga gudbay Wakhtigii Masuul Soomaaliyeed uu dal kale yeelan jiray oo ku shaqaysan jiray, Waxaynu horay Makhraati uga ahayn sidii 4-Sanno ka hor meesha looga saaray Damacii TPLF ee dalka ay doonaysay inay ku farageliso Doorashada Soomaaliya.” Ayuu yidhi Guuleed.

Dhinaca kale Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo Doorashada soo socota uu ku guulaysan doono Wareega Koobaad.

“Waxaa Bilowday Sunne Cusub oo Siyaasadeed, Waa Baraarugeen Xildhibaanada Soomaaliyeed. Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle Madaxda Cusub ee joogta waxay kusoo baxeen Wareega Koobaad, Hamigeenu waa Wareega koobaad oo Madaxwayne Farmaajo kusoo baxo”.

Dhaqankii Siyaasadeed ee Afartii Sanno hala beledo hogaanka waa laga gudbay, waxaa loo dhaqaaqay Soomaalinimo, Halaga Qayb galo Tartan Furan oo Xor ah”. Ayuu yidhi Mahdi.