Dagaal geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda duleedka Warsheekh

0

Wararka aan maanta ka heleyno duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday dagaalkaas ugu yaraan laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, welina waxaa is hor fadhiya dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Xawaale oo qiyaastii 25-KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka labadaas maleeshiyo beeleed ayaa salka ku haya arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxayna dirirta labadaas beelood deegaanka ka taagneyd mudo dheer.

Illaa hadda maamulka degmada Warsheekh kuma bixin dirirtaas u dhaxeysa labadaas beelood, balse mas’uuliyiin ka tirsan oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay ku bixi doonaan saacadaha soo socda.

Sideedii bishan Hooyo umul aheyd iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa aano qabiil loogu dilay duleedka Warsheekh, waxaana goobtaas lagu dhaawacay Hooyo kale iyo ilmo ay dhashay, welina ma jirto cid loo soo qabtay falkaas.