Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Kulan Yeeshay Iyo Sharci Lagu Ansixiyay

0

Waxaa Maanta Xarunta Villa Hrageysa ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xilhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Ajendihiisu ahaa Akhrinta 3-aad Hindise-Sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka iyo labadiisa ku-xigeen, isla markaana waxaa goobjoog ahaa in ka badan 140 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood dheer, kadib Cod gacan taag ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139 Mudane, laba ayaa diiday, halka 1 Xildhibaana uu ka aamusay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay in shirciga la ansixiyay, waxaana intaas kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka loo qeybiyay Ajendayaal dhowr ah oo kala ahaa:

1-Qaybinta Xubnaha Adeega Garsoorka
2-Qaybinta Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3-Qaybinta Hindise-sharciyeedka Hay%adda Dhiiri-Galinta Maalgashiga Soomaliyeed
4-Qaybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharviyeedka Ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga Iyo Maalgashatada.