Trump oo ku doodaya in la musuq maasuqay codadkii doorashada Mareykanka

0

Madaxweynihii laga guuleystay ee dalka Mareykanka Donald Trump iyo Xisbigiisa, ayaa weli waxa ay ku doodayaan in la musuq maasuqay doorashadii bishan November ka dhacday dalka Mareykanka.

Trump iyo Xisbigiisa ayaa sheegay in la musuq maasuq codadkii doorashada ee sanadkaan, waxa ayna sheegeen laga musuq maasuqay codadkii gobolka Pensalvania oo uu sheegay in uu si aad ah ugu kalsoonaa taageerayaashiisa ee gobolkaasi.

Arrintan oo muran fara badani uu taagan yahay, ayaa weli waxaan jirin wax cadayn kara sheegashada Trump iyo kooxdiisa kala mid ah Xisbiga.

Doorashada oo maalmo ka hor ka dhacday dalka Mareykanka ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Dimoqraadiga ah ee uu hoggaaminaya Joe Biden.

Xisbiga madaxweyne Biden ayaa waxa uu ku eedeeyay Trump iyo Xisbigiisa in ay u guuri la’yihiin guusha uu ka gaaray doorashada sanadkaan.