Madaxweynihii hore ee Dalka Ghana oo geeriyooday

0

Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday maanta magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana.

Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Korle-Bu University ee magaalada Accra halkaas oo xanuun dartii loo geeyay

Wuxuu dalka Ghana hogaaminayay intii u dhexeysay1982 ilaa 2002 .

Wuxuu ahaa duuliye ka tirsanaan jiray  ciidanka cirka ee dalka Ghana.

Wuxuu dhashay bishii June sanadkii 1947-kii

Hogaamiyeyaasha Afrika waxay u hayeen xushmad, waayo wuxuu ahaa nin Afrikaanimada ay ku weyn tahay

Wuxuu aad ugu ole oleyn jiray in Afrika mid noqoto.

2010 ilaa 2011 wuxuu ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya