DFS oo ku baaqday in si deg deg loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Mudug

0

Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka deegaanka Hul-dooyaale oo bari kaga began Gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al-Cadaala  Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana ay nabada qaataan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Galmudug ay ku howlan yihiin daminta colaad beeleedka ka taagan deegaanada mamulka Galmudug.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu maleeshiyaadka dagaalamaya uu ka dalbaday in si sharuud la’aan lagu xoojiyo dagaalka.