Dagaal u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta oo ka dhacay Ethiopia

0

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhexeeyay soomaalida iyo canfarta ayaa waxaa uu  ka dhacay Dalka Itoobiya.

Inta la xaqiijiyay 27 qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, iyadoona maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ay si kulul uga hadleen dagaalka u dhexeeya soomaalida iyo canfarta.

Xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay billawday baaritaan ku aadan sababta ka dambeysay dagaalkaasi.

Horay ayaa waxaa u jirtay in dagaalo xoogan ay dhex-maraan Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Itoobiya, hayeeshee haatan uu dagaal cusub ka dhex bilaawday Soomaalida iyo Canfarta kuwa wada nool Itoobiya.