Baarlamaanka Puntland Oo Dib U Dhigay Ka Doodista Xeer Muhiim Ah

0

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka  Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku yeeshay Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 47-aad Baarlamaanka Maamulkaas oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga maanta oo Ajandaha ahaa ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa dib loo dhigay illa maalinta Arbacada ka dib codsiga Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL oo xeerka gacanta ku haya.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in labo maalmood oo dheer ah la siiyo Guddiga sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 58-aad iyo Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.