Itoobiya: Ciidamada cirka oo duqeyn ku bilaabay gobolka Tigreega

0

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in duqeymo lala bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalla golka Tigreeda ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyay tiro madaafiic oo goobtaasi ku keydsanaa.

Balse ma jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in bartilmaameedkii duqeyntaasi ay ku dhacday goobtii loogu talagalay.

Xisbiga haya talada gobolka Tigreega ee TPLF ayaa waxay sheegeen in Khamiistii duqeymo lala bartilmaameedsaday goobo ka mid ah gobolkaasi.

Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay noqoto bilowga dagaal sokeeye oo ka qarxa dalka itoobiya