Barlamaanka Hirshabeelle Oo Ansixiyay Guddi Doorasho Oo La Magacaabay

0

Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Goolka Shabeellaha Dhexe ku yeeshan kulankii 4-aad ee kal-fadhigiisa 1-aad ee Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, kuwaasi oo dhawaan uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

74 Xildhibaan oo kulankii Maanta soo xaadirtay ayaa 71 kamid ah Mudanayaasha Cod gacan taag ah ugu ansixiyeen Guddiga Doorashada ee la magacaabay, halka 2 Mudane waa diideen, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakim luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka iyo ku-xigeenkiisa.

Guddiga ayaa isla Maanta la filayaa inay bilaaban howlaha loogu diyaar garoobayo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.