Saraakiisha DF Oo Sheegay Inay Qabteen Mootooyin Loo Adeegsan Jiray Miinooyinka

0

Ciidanka kumandooska DANAB iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Leego ee hoostega degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hogaaminayay Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Ciidanka ay sigaar ah weerar ugu qaadeen goob la tilmaamay inay isku uruursanayeen Al-shabaab oo ku taalla deegaanka Leego.

Saraakiisha waxaa kaloo ay sheegeen in la burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, isla markaana halkaas dadka looga qaadi jiray lacago, waa sida hadalka looga dhigay.

Sidoo kale Idaacadda codka Ciidamada Qalabka sida ayaa baahisay in intii uu Howlgalka ciidanka socday waxa ay gacanta ku dhigeen mootooyin ay Al-Shabaab u isticmaali jireen miinoyinka.

Ciidamada ayaa howlgalka qorsheysan uu u dhmaaday kadib bilaabay baaritaanno lagu xasilinayo ammaanka Degmooyinka iyo Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, si looga hortego falal amni darro oo inta badan halkaas ka dhaca.