Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Diiradda Ay Saarayaan Burburinta Awooda Al-Shabaab

0

Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in ay si xoogan u taageerayaan dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta sharci darada ah ee ay adeegsadaan Al-Shabaab.

Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay xuseen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay la shaqeeyaan wadamada kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago “maalgalinta argagixisada” ee Al-Shabaab.

“Mareykanka wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa burburinta awooda Al-Shabaab oo caadeysatay weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah”, ayeey tiri Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay .

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay  ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada Al-shabaab ee aan ku ekeyn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .