Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan waxaa ay ku leeyihiin  Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha  Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed,  Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha iyo u Codeyta W/B Sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulanka golaha shacabka isla markaana ay soo xaadiraan .