In ka badan 50-qof oo ku geeriyootay rabshadaha ka socda dalka Nigeria

0

Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamaduu Buhari ayaa sheegay in illaa iyo 51 ruux oo shacab ah ay ku dhinteen rabshadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalkaas.

Madaxwayne Buhari ayaa sidoo kale sheegay in ay dhinteen 11 kamid ahaa booliska iyo todobo askari oo kale.

Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu sheegay in rabshadaha ay ku dhaawacmeen 37 ruux oo shacab ah.

Hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa booliska ku eedeeyay in ay toogteen ugu yaraan 12 ruux oo shacab ah oo ka qayb qaadanayay dibad-baxyadii dhacay Khamiistii.

Madaxwaynaha Nigeria ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha, isagoona sheegay in dowladiisu aysan u dul qaadan doonin in ay sii socdaan dibad-baxyada ka qarxay dalkaas.